27 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

SAWIRRO: Aqriso liiska magacyada shacabkii Soomaaliyeed ee ay AMISOM maanta xasuuqday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada AMISOM ayaa ilaa 4 qof oo rayid ahaa si ula kac ah ugu dilay nawaaxiga deegaanka Buulo mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadkaan Askarta AMISOM ay dileen ayaa waxa ay kala soo dageen Gaari Rakaab ah oo ay la socdeen kuwaas oo kala ahaa:-

1-Raaxo Faarax Jimcaale oo ahayd 80 jir.

2-Zamzam Cabdiwaaxid.

3-Maxamuud Macallin Maxamed.

4-Daa’uud Daahir.

Dadkaani ayaa u badnaa kuwo da’ ah waxa ayna dadkii la socday sheegen inaysan garakarin sababta iyaga loo dhaafay kuwaasina loo dilay.

Wiil ay dhashay marxuumada Raaxo Faarax Jimcaale oo lagu magacaabo Cabdiwaxiid Macallin Ibraahim, ayaa sheegay in Dacwadaasi ay tahay mid u taalla DFS, waxa uuna sheegay in dilkaasi aysan kula xisaabtami doonin AMISOM, balse ay kula xisaabtami doonaan cidii kentay oo uu ula Jeedo Dowlada.

Magaalada Buulo mareer waxaa ka socda Banaanbax ay dhigayaan Bulshada deegaanka oo ka carooday falka ciidamada AMISOM ay ku laayeen dadkaasi shacabka ah.

Maamulka Deegaanka Buulo mareer ayaa xaqiijiyay jiritaanka wararka sheegaya in ciidamada Amisom ay laayeen dadkaasi shacabka ah.
1

2

3

4

- Advertisement -

Read more

Local News