Gaalkacyo (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo lagu soo afmeeray kulankii xal u raadinta colaada ka taagneyd magaalada ee u dhexeysay maamulada Puntland iyo Galmudug.
Kulanka oo lagu soo gaba gabeeyay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Maamulada Galmudug iyo Puntland.
Kulanka ayaa waxaa markii uu soo xirmi rabay lagu magacaabay Guddi ka shaqeyndoona dhameystirida Heshiiskii Shalay Puntland iyo Galmudug ay ku Gaareen Gaalkacyo.
Guddiga Labada Madaxweyne ay soo Magacaabeen ayaa ka Kooban 18 Xubnood,waxaana Maamul walba uu soo Magacaabay min Sagaal Xubnood.
Guddiga 8-da xubnood ka koban ee ka socda dhanka Maamulka Galmudug waxaa ka muuqda Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Galmudug, halka Guddiga Maamulka Puntland ay ka muuqdaan Mas’uuliyiin Puntland ka tirsan iyo xubno kale.
HOOS KA AKHRISO LIISKA MAGACYADA GUDDIGA EE LABADA MAAMUL
Guddiga Puntland
1-Xasan Maxamed Abgaalow Gudoomiyaha Gobalka Mudug.
2-Maxamed Yaasiin Tumey Duqa magaalada Gaalkacyo.
3-Jen, Muxuyadiin Axmed Muuse Taliyaha La dagaalanka Argagixisada.
4-Col, Cabdul Warsame Cusmaan Taliye oo katirsan ciidamada Difaaca.
5-Cabdi Diiriye (Cabi Qurux) Nabadoon Waxgaradka Gobalka Mudug.
6-Xuseen Gurey Nabadoon Waxgaradka Gobalka Mudug.
7-Abdulaahi Aaden Gaas Ganacsade kamid ah Ganacsatada G Mudug
8-Maxamed Quute Ganacsade kamid ah Ganacsatada G Mudug
9-Sh Abshir Abdirahmaan Yusuf Wadaad kamid ah Culumada Ahlu Suna Mudug.
Guddiga Galmudug
1-Cabdikariim Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug
2-Cabdirashiid Xaashi Cartan Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Galmudug.
3-Xirsi Yuusuf Barre Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug
4-Cabdulqaadir Jaamac Seed Waxgaradka Nabadoonada.
5-Cabdikariim Sheekh Axmed
6-Xasan Faarax Barre
7-Cabdicasiis Cabdulaahi Cabdi
8-Cabdi Jaamac Cabdulle
9-Cabdinaasir Cabdi Faarax
Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa ku baaqay in Deg Deg loo soo celiyo Dadkii Rayidka ahaa ee ka Barakacay Magaalada Gaalkacyo.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com