24.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Akhriso Liiska magacyada Xildhibaanada maanta lagu doortay magaalada Cadaado

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug ka dhacay doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somalia, taa oo ay ku loolamayeen Xubno Siyaasiyiin u badan.

Doorashada ayaa aheyd mid inta badan soo jiidatay indhaha, maadaama maalmo aysan qabsoomin doorashadaasi.

Doorashada Maanta ayaa waxaa kusoo baxay ilaa 3 Musharax oo codad kala sareeya ka helay Ergooyinkii wax dooranaayay.

Xildhibaanada maanta la doortay ayaa waxaa kamid ahaa:-

1-Xildhibaan C/wali Maxamed Qanyare.

2-Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Galmudug Warsame Maxamed Xasan (Joodax).

3-C/kariin Khaliif Cabdi (Dhalac).
Guddiga Doorashooyinka ayaa maanta qabtay Doorashada Seddexda Kursi.

Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in Doorashada ay halkeeda kasii socon doonto si loo dhameystiro xubnaha harsan.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News