Muqdisho (Caasimada Online)-Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee Gobolada Waqooyi ayaa maanta dib uga bilaabatay Magaalada Muqdisho, iyadoo la soo doortay Xildhibaano cusub oo ku biiri doono Liiska Xildhibaanadii hore.
Doorashada ayaa ka dhacday Xarunta Gaadiidka Booliska, waxaana halkaasi maanta lagu doortay 4 Xildhibaan oo kamid noqon doona Baarlamaanka cusub ee Somalia.
Xildhibaanada Doorashada maanta lagu doortay ayaa waxa ay kala yihiin:
1-Biixi Imaan Cige
2-Cabdirisaq Dahir Mohamud
3-Sicid Mohamed Mohamud
4-Xuseen Carab Ciise
Doorashada afarta kursi ee kuraasta Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ayaa waxay tirada illaa iyo hada Muqdisho lagu doortay ka dhigeysaa 29 Xildhibaan, waxaana ka harsan 17 Xildhibaan.