Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay yeesheen Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha BF iyo Ku-Xigeenadiisa, ayaa waxaa lagu go’aamiyay xiliga ay qabsoomi doonto Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku-xigeenadiisa.
Guddiga ayaa sheegay in Jadwalka Doorashada oo ay soo saaren uu noqon doono mid ku hirgala xiliga loogu tallo galay.
Guddiga ayaa sheegay in diiwaan galinta Musharaxiinta iyo Doorashooyinka ay qabsoomi doonto wakhtiyada kala ah:
1-03 ilaa 05 Janaayo 2017 diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa.
2-08 ilaa 09 Janaayo 2017 Khudbadaha Musharaxiinta u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa.
3-11 Janaayo 2017 Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.
4-12 Janaayo 2017 Doorashada Guddoomiye ku-xigeenada Koowaad iyo Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
XILDHIBAANDA LOO KALA DOORTAY QABANQAABADA
1-Inta uu socday kulanka ayaa waxaa goobta lagu doortay Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle oo noqon doona Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa.
2-Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa, ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo howsheeda ku ekaan doonto inta ay socto diyaarinta Doorashooyinka.
3-Xoghayaha Guddiga qaban qaabada Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa, waxaa loo doortay Xildhibaan Aadan Isaaq Cali ayaa loo doortay.
Guddiga ayaa isla soo hadalqaaday suuragalnimada in Doorashada ay dib uga dhicikarto wakhtigeeda iyo inkale, waxa ayna isla garteen inaan laga dib dhicikarin xiliga doorashada ee kor ku qoran.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]