24.9 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Akhriso: Liiska musharaxiinta illaa iyo hadda is diiwaan geliyey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka socda diiwaangalinta Musharaxiinta Madaxweynima doonka kuwaa oo Seddex maalin loo qabtay inay isku diiwaan galiyaan.

Musharaxiinta ilaa iyo hadda is diiwaangalisay ayaa ayaa tirro ahaan lagu sheegay Lix Musharax oo ay kamid yihiin.

1-Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo noqday Musharaxii ugu horeeyay ee is diiwaangaliyay.

2-C/qaadir Cosoble Cali, ayaa noqday musharaxii labaad oo is diiwaan galiyay.

3-Cumar C/rashiid Cali, RW Xukuumada Somalia ayaa noqday Musharaxii Seddexaad ee is diiwaangaliyay.

4-Maxamed Maxamuud Culusow, ayaa noqday Musharaxii Afaraad oo ilaa iyo hadda is diiwaangaliyay.

Musharaxiinta qaar ayaan la sheegay in ilaa iyo hadda aysan heysan dhaqaalaha is diiwaangalinta ee shuruuda laga dhigay taa oo dhan $30,000 dollarka Mareykanka.

Dhinaca kale, Is diiwaangalinta ayaa ka socta Xarunta Villa Hargeisa, oo ku dhex taala Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, halkaasi oo fadhi u ah Guddiga Doorashada heer Madaxweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News