25.8 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Akhriso Liiska Xildhibaanada Jubbaland ee maanta kusoo baxay doorashada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ka dhacay Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamanka dalka qeybta Jubaland.

Doorashada oo aheyd mid xiisa leh ayaa waxaa ku loolamaayay musharaxiin farabadan waxaana halkaasi lagu doortay ilaa lix xubnood oo kamid noqon doona baarlamanka dalka.

Ergada lix beelood oo kamid ah beelaha dega deegaanada maamulka Jubbaland ayaa si habsami leh usoo xushay xubnah u matali lahaa Baarlamaanka cusub.

Xildhibaanada lagu doortay Hoolka ay doorashada ka dhaceysay ayaa waxa ay kala yihiin:

1-Sahro Jaamaca Cali Qoorsheel

2-Aadan Isaaq Cali

3-Xaawo Max’d Aadan

4-Max’ed Xasan Idiris

5-Max’ed Aadan Macallin

6-Prof: Max’ed Cabdi Gaandi

Guddiga doorashooyinka ayaa Hoolka kaga dhawaaqay in maalinta beri oo Axad ah ay sii socon doonto doorashada si loo dhameystiro tirada kale ee harsan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News