Akhriso: Magacyada wasiirada cusub ee uu magacaabay madaxweyne Xaaf

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa goor dhow magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub.

Hogaamiyaha Galmudug, ayaa magacaabay 22 Wasiir, 22 Kuxigeeno iyo 8 Wasiiru Dowle. Wasiiradan waxay u badan yihiin kuwii hore ee Maamulkii C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiiradan oo in mudo ahba la sugayay ayaa 70% waxa ay yihiin Wasiiradii uu soo magacaabay Madaxweynihii hore ee Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiirada soo laabtay ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga Cusmaan (Taardhuleed), Wasiirka Waxbarashada Galmudug iyo Wasiiro kale.