Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalooyinka Jowhar, Kismaayo iyo Baydhabo ka dhacay Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub Somalia kadib markii maalmo hakat la galiyay Doorashooyinka.
Magaalooyinka ay Doorashadu ka dhacday ayaa waxaa ku kala sugnaa Mas’uuliyiin ka tirsan DFS iyo Guddiyada Doorashooyinka waxaana codadka ugu badan helay shaqsiyaad miisaan ku dhex Gobolada ay kasoo kala jeedan.
HOOS KA AKHRISO LIISKA MAGACYADA MUSHARAXIINTA GUULEYSTAY
Magacyada xubnaha Aqalka Hoose ee ku soo baxay Jowhar
Magaalada Jowhar ayaa waxaa maanta ka dhacay Doorashada Aqalka Hoose waxaana kusoo baxay Doorashada:
1-C/llaahi Collaad Rooble
2-Samiira Xassan C/dulle
3-Yuusuf Xuseen Axmed
Magacyada xubnaha lagu doortay Baydhabo
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maanta ka dhacay Doorashada Aqalka Hoose waxaana kusoo baxay Doorashada:
1-Cali Maxamed Nuur
2-Saalim Cali Ibrow
3-Isgoowe Deerow Isaaq
4-Cali Cumar Islow
5-Maxamed Xuseen Afaraale
Magacyada xubnaha lagu doortay Kismaayo
Doorashadan maanta ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa lagu doortay Hal kursi oo keliya.
Wareega hore ee Doorashada ayaa waxaa haray Musharaxii ugu codka yaraa waxaana sidaa kusoo baxay Cali Cismaan Xirsi (Cali Jowhar).
Dhinaca kale, waxaa lagu wadaa in maalinta beri ah ay halkeeda kasii socon doonto Doorashooyinka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]