27.5 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Akhriso warqadii shaqada looga hakiyay Guddoomiyaha Maxkamada G/Banaadir

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa lagu sheegay in Shaqdii laga Joojiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Mudane Xaashi Cilmi Nuur.

Sababta Shaqada looga joojiyay ayaa lagu sheegay in Maxkamada gobolka Banaadir aysan ugu adeegin bulshada sidii loogu tala galay.

Gudoomiyaha maxkamada Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, waxa uu Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka ku eedeeyay inuu ka weecday shuruucdii u degneyd Maxkamada.

Warbixinta Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay jiraan dacwooyin badan oo isku dul xayiran oo uusan wax ka qaban Xaashi Cilmi Nuur.

HOOS KA AKHRISO WARQADII SHAQADA LOOGA HAKIYAY G/M/G/BANADIR

xil-qaadis

- Advertisement -

Read more

Local News