Ururkii uu Xasan Sheekh ka tirsanaa oo ku baaqay in tallaabo laga qaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Urur diimeedka Al-Islaax ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay booqashada uu madaxwaynaha DF ku tagay dalka Masar isla markasna kaga qayb galay dhaarintii madaxwaynaha cusub ee dalkaasi Gen.Cabdicasiis Alsisi.

Gudoomiyaha Ururka Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye, ayaa sheegay inay dhaawac ku tahay sharafka dowladnimo in Xasan Shiikh uu ka qayb galo dhaarinta Asisi oo xilka si cadaalad daro ah uga tuuray madaxwaynihii sida dimoqraadiga ah loosoo doortay ee Maxamed Musri oo ay taageer sanaayeen dowlado ay ka mid yihiin Qadar iyo Turkiga.

Xasan Shiikh Maxamuud oo ka tirsan ururka Damjadiid ee Al-islaax ayaa u muuqda inuu taageeray nidaamka Malatari ee wadanka Masar oo ay dowlado badan ka hor yimaadeen waxana ka mid ah dalalka hadda Taageera DF ee Qadar iyo Turkiga.

Islaax ayaa gollaha shacabka ee DF ugu baaqay inay kula xisaabtamaan madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud tilaabadii uu dhaarinta Alsisi uga qayb galay taasoo ururku ku tilmaamay mid aan munaasib ahayn.

”Anigoo ku hadlaya magaca ururka Al-Islaax waxaan aad uga xunahay booqashada Xasan Sheekh uu ku tagay wadanka Masar, isagoo ka qeyb galaya caleema saarka ninka dhiigya cabka ah ee shacabkiisa gumaaday”.

Waxaa laga yaabaa inay saamayn ku yeelato Xasan Shiikh ka qayb galka dhaarinta madaxwaynaha cusub ee Masar maadama dalalka ay saaxiixbada yihiin ay ku kacsan yihiin Gen.Asisi madaxwaynaha Masar.

Madaxwaynaha DF Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtay magalada Muqdisho lamana yaqaan sida uu uga jawaabi doono dhaleecaynta ururka Al-islaax uga yimi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com