Ceelbuur (Caasimada Online) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ku toogtay rag ay kooxdu ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey Dowladda Soomaaliya iyo Sirdoonka Mareykanka.
Raggaan la dilay oo gaaraya illaa 5 nin ayaa Al-Shabaab waxa ay shaacisay in ay xogo ka gudbinayeen kooxda, ayna fududeeyeen weeraro ka dhacay deegaanka.
Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in dhammaan ragga la dilay lagu helay eedeymaha loo soo jeediyey, kadibna xukunkii lagu ridday maanta lagu fuliyey.
Halkan hoose ka aqriso magacyada ragga la toogtay:-
1-Yuusuf Maxamed Xuseen Abwaanka oo da’diisu ay ahayd 36 jir, kaas oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu basaas u ahaa Dowladda Soomaaliya iyo Sirdoonka Mareykanka.
2-Cabdiwahaah Maxamed Axmed oo da’diisu ahayd 25 jir ayaa isna la toogtay, isaga oo lagu eedeeyay inuu ahaa basaas.
3-Gaabow Cali Faarax oo da’diisu ahayd 28 jir ayaa isagana lagu fuliyay toogashada ka dhacday Ceelbuur.
4-Mukhtaar Axmed Caliyow Garas ayaa isaguna lagu eedeeyay jaajuus, wuxuuna kamid ahaa ragga maanta la toogtay.
5-Axmed Xasan Sheekh Xuseen oo da’diisu ahayd 42 san jir ah ayaan isna lagu dilay fagaaraha toogashada ee degmada Ceelbuur.
Al-Shabaab ayaa marar badan sidaan oo kale u fulisay toogasho, waxaana ay horay kooxda u dishay askar iyo dad kale oo ay ku eedeysay inay ahaayeen basaasiin ku sugnaa deegaanada ay ka taliso kooxda ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Si kastaba, dhacdadaan ayaa ku soo beegmaya, xilli haatan kooxda ay wajaheyso culays uga imaanaya Dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo sare u qaaday howlgallada iyo weerarada cirka ah ee ka dhacaya deegaanada ay joogaan Al-Shabaab.