Shabaab oo ‘gubtay’ tuulooyin ku yaalla gobolka HIIRAAN

Beledweyne (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, isla-markaana ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in xoogaga Al-Shabaab ay gubeen tuulooyin ku yaalla gobolkaasi.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir ayaa sheegay in xubnaha Al-Shabaab oo maalmahaan isku uruursanayey inta u dhexeysa degmooyinka, Beledweyne, Maxaas iyo Matabaan ay saaka qaraxyo ku burburiyeen ceelashii biyaha ee ay isticmaali jireen dadka deegaanka.

“Al-Shabaab waxay sameeyeen ceelkii Teedaan, ceelkii Bukurow iyo laba ceel oo kale ayey saaka qaraxyo ku xireen wayna aaseen,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay dab-qabad siiyeen illaa 9 tuulo oo dhaca bariga gobolka Hiiraan ee bartahamaha Soomaaliya, isla-markaana ay gubeen guryihii shacabka.

“Waxaa kale oo ay ugu sii dareen illaa 9 deegaan oo dad shacab ah dagan yihiin halkii deegaana ay ku taallo illaa 300 oo guri ugu yaraan way gubeen,” ayuu raaciyey.

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray in dad badan oo shacab ah, una badan dad qaan-gaar ah ay ka afduubteen tuulooyinkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa kaaga sii daran qof walba oo waxgarad ah oo ishooda qabaneysay oo qaan-gaar ahna way afduubteen, sidoo kale isgaarsiinta way ka maqan tahay,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in laga hortego dhibaatada ay kooxda Al-Shabaab ku heyso deegaanka, isla-markaana meel looga soo wada jeesto, si loola dagaalamo.