Al-Shabaab oo haweeney iyo ilmo yar ka ‘afduubtay’ gobolka Hiiraan + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay gaari kala dageen xaaska askari ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ee ka howl-gala gobolkaasi, gaar ahaan Beledweyne.

Gaariga lagala dagay haweeneydaasi oo wadatay ilmo yar ayaa ka baxay magaaada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha amniga gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gaarigaas ku qabteen deegaanka Mokoyle oo hoostaga magaalada Beledweyne, kadibna ay kala dageen kaliya haweeneydaasi, iyaga oo gaariga iyo rakaabkii kale ee saarnaa fasaxay.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne ayaa haatan wada dadaallo dheeraad ah, balse lama oga halka lala aaday haweeneydaasi ‘la afduubtay’.

“Haweenayda afduuban illaa haatan lama ogga meesha la geeyay. Balse, waan hubin doonaa. sida loogala degay baabuurka iyo cidda farmuuqdey waa wax wali su’aal ka taagan tahay.” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada Beledweyne.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta loo beegsaday ama loo afduubtay haweeneydaasi, marka laga reebo inay tahay xaaska askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale askariga ay u dhaxdo haweeneydaas iyo ciidamo kale ayaa waxa ay qaadeen howl-gallo ay ku soo qab-qabteen xaasas la sheegay inay u dhexaan dagaalamayaal ka tirsan Shabaab, balse markii dambe uu maamulku sii daayey.

Magaalada Beledweyne waxaa duleedkeeda inta badan weeraro dhabo-gal ah ka fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.