Xudur (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal qaraar oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kaas oo u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay xubnaha Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen saldhig ciidanka ay ku leeyihiin meel 8 KM u jirta degmadaasi, kadibna waxaa xigay dagaal lagu jabiyay Al-Shabaabka duulaanka soo qaaday oo ka dhacay halkaasi.
Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay ahaayeen xogta weeraka, ayna ka hortageen iyagoo cashir u dhigay kooxda Al-Shabaab.
“Abaare 8:00 fiidnimo ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka hortagay isku day weerar oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qaadeen duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool, meel qiyaastii 8 km u jirta magaalada. Ciidanka Xoogga Dalka oo helay xogta cadawga oo ahayd dhaq-dhaqaaqa Khawaarijta ayaa si degdeg ah uga hortagay dhagartii ay maleeshiyaadku wadeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo sababay khasaare culus oo soo gaaray kooxda” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.
Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in goobta lagu dilay in ka badan 10 dhagarqabe, sidoo kalena gacanta lagu dhigay hub ay ka mid yihiin qori nooca culus ee BKM ah iyo AK47.
Dhinaca kale, wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo qoraal soo saaray ayaa bogaadiyey guusha laga gaaay dagaalka xalay ka dhacay duleedka degmada Xudur, wuxuuna ammaan u jeediyay ciidamada Xoogga Dalka, guutada 9-aad , iyo shacabka deegaanka oo iskaashaday si ay uga hortagaan weerarkii Khawaarijta.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in guushan ay caddeyn u tahay sida shacabka iyo ciidamada amniga Koonfur Galbeed ay uga go’an tahay ciribtirka kooxaha Argagixisada ah ee dhibka ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka in ay sii xoojiyaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasilooni buuxda oo ka dhalata guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed oo ay weli ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab.