27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Al-Shabaab oo madaafiic ku weerartay saldhig muhiim ah oo ku yaalla…

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig muhiim ah oo ay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin deegaanka Barujeed, oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo.

Madaafiic dhowr ah ayaa lagu garaacay saldhigga, kaasoo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee amniga magaalada Baydhabo laga sugo, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka Barujeed.

Weli si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarka, mana jiraan wax faahfaahin ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyagoo sidoo kale sheegay in ay khasaare gaarsiiyeen ciidamada ku sugnaa saldhigga Barujeed.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya, xilli kooxda Al-Shabaab ay kordhisay dhaq-dhaqaaqyada ay ka waddo deegaanada muhiimka ah ee gobolka, iyadoo Barujeed uu ka mid yahay meelaha istaraatiijiga ah ee ay dhowaanahan weeraradu kusoo badanayeen.

Toddobaad ka hor ayey ahayd markii kooxda Al-Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay weerar ay kusoo qaaday isla aaggaas. Ciidamada oo hayay xogta weerarkaas ayaa kahor tagay maleeshiyaadkii soo weeraray, iyagoo laayay dhammaan kooxdii duullaanka ku timid, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

- Advertisement -

Read more

Local News