Al-Shabaab oo mar kale maanta gubay baabuur ay sheegeen inay wadeen…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay inay gubeen saddex gaari oo booyad ah, kuwaasi oo shidaal u siday garoonka diyaaradaha ee deegaanka Balli-doogle, halkaasi oo ay saldhig ciidan ku leeyihiin ciidamada Mareykanka.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay booyadaha shidaalka siday ay ku weerareen iyagoo marayay deegaanka Xaawo Cabdi ee u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ka fakatay hal booyad oo dhinaca magaalada Muqdisho u carartay markii ay weerarka ku bilaabeen, sida uu hadalka u dhigay.

Muuqaalo laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay gawaarida booyadaha oo gubanaya oo wadada dhinaceeda yaalla.

Marka laga yimaado sheegashada Al-Shabaab, Saraakiil dowladda ka tirsan ayaa dhankooda sheegay inay jiraan dhaawacyo soo gaaray darawaliinta gaadiidka waday.

Inkasta oo si madax banaan loo xaqiijin karin nooca weerarku ahaa, ayaa haddana waxay saraakiishu sheegeen in Al-Shabaab dhowr madfac ku dhufteen gaadiidka sahayda u waday xerada Balli-doogle.

Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan wadada xiriirisa Muqdisho iyo Shabeellada Hoose ka geysta weeraro gaadmo ah, kuwaasi oo inta badan kula eegtaan ciidamada ku safra jidkaan oo ah meelaha ugu halista badan.

Tallaabada lagu gubay booyadaha ayaa imaneysa maalin kadib markii ay Al-Shabaab ay shalay gubeen 7 gaari oo rakaab ah, kadibna dileen 20 qof oo shacab ahaa oo la socday, meel ku dhow magaalada Beledweyne.