Nin Facebook ka weeraray Al-Shabaab oo qarax lala eegtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa laga maqlay nawaaxiga waddada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarrama.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in gaarigiisa loogu xiray nin lagu magacaabo Musharaf Maxamed Macalin, xilli uu marayey agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Musharaf ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, ayada oona loola cararay mid ka mid ah isbitaallada ku yaallo magaalada Muqdisho.

Weerarka qaraxa ah ee lala beegsaday ninkan dhalinyarada ah oo sidoo kalena u shaqeynayey dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadayo saacado kadib, markii uu fariin ka dhan ah Al-Shabaab ku baahiyey bogggiisa Facebook-ga, isaga oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.

Sidoo kale Musharaf Maxamed ayaa ka tirsanaa shaqaalaha xafiiska xeer ilaalinta ee maxkamadda ciidamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, sida Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka uu soo saaray, kahor inta aan lala beegsan qaraxa.

Sida dhaqanka iyo Diintuba tahay, Ninka Ragga ah, seddax lagama maro, waa; Reerkiisa, xoolihiin iyo sharaftiisa.

“AS, dhowr iyo toban sano ayay Gabdhaha si dulmi ah u guursanayeen, doonasho la’aan iyo meher qasab ah. Umadda xoolahooda dhacayeen, qofkii maya dhahana dhiigiisa ayay bannaysanayeen” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Qofkasta oo raalli ka noqda sii socoshada intaa, ka damqan ama aysan dhibin ugu yaraan waa duyuus aan damiir lahayn.!

Duyuusku Janno ma galo.