AL-SHABAAB oo qarxisay ceelasha biyaha degaano ka tirsan maamulka Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weeraro culus ku qaadeen deegaanno ka tirsan gobolkaasi oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug.

Weeraradaan ayaa waxaa lagu beegsaday deegaannada kala ah Maarsamage iyo Cadokibir oo hoostaga magaalada Baxdo ee gobolka Galguduud, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Xoogaga weerarka fuliyey ayaa qaraxyo ku burburiyey matoorada ceelasha biyaha, baraago iyo xarumaha isgaartiineed ee ku yaallay deegaannada la weeraray.

Xaaladda ayaa haatan ah mid adag, balse waxaa la soo wariyey in uusan khasaare nafeed oo ka dhashay weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay duleedka degmada Baxdo.

Deegaannadaan la weeraray ayaa markii horeba waxaa ka jirtay biyo la’aan baahsan iyo baaxadda abaaraha haatan ka jira qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta Galmudug oo ku aadan dhacdadaasi.

Weeraradaan ayaa daba socda dagaalkii 17-kii bishii June Al-Shabaab iyo dadka deegaanka ku dhex-maray degmada Baxdo halkaas oo kooxda Al-Shabaab looga dilay ugu yaraan 100.

Kadib dagaalkaas ayey dadka deegaannada ku dhow Baxdo waxay sheegayeen inay la kulmayeen hanjabaadyo & cunaqabateyn uga imaaneysay Al-Shabaab.