Al-Shabaab oo saaka weerar culus ku qaaday Af-urur

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo saaka dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shababa ku qaadeen saldhig ciidamada ammaanka Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur oo ku yaal gobolka Bari.

Weerarka oo ku billowday madaafiic ayaa waxaa xigay iska hor imaad u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo xoogagii weerarka qaaday, kaas oo saacado qaatay.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay madaafiicda qaar ay ku dhaceen gudaha saldhigga iyo hareerihiisa, waxaana ay shaaciyeen inay soo wajahday cabsi xoogan.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

Ugu yaraan 5 askari ayaa ku dhintay weerarka halka ay ku dhaawacmeen 9 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Dhanka kale saraakiisha Puntland ayaa sheegay inay dagaalka ku dileen illaa 12 xubnood oo ka tirsanaa raggii weerarka soo qaaday, kuwa kalena ay dhaawaceen.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada Puntland oo gurmad ka helay kuwa PSF ay howl-gallo ka bilaabeen nawaaxiga deegaanka Af-urur oo hoostaga Boosaaso.

Weerarkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo deegaanada Puntland maalmihii u dmabeeyey ay ka dhacayeen falal ammaan dari, iyada oo loo sababeynayo mashquulka doorashada.