Al-Shabaab oo war kasoo saaray qaraxii is-miidaaminta ee waddada Cabdiqaasim

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qarixii xooganaa ee saaka ka dhacay wadada Cabdiqaasim, degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka qaraxa uu fuliyey naftii hure ka tirsan dagaalamayaasha xarakada, oo gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay la bartilmaameedsaday kolonya gadiid ah oo galbineysay Saraakiil cadaan ah.

Qoraal lagu baahiyey warbaahinta kooxda waxa uu qaraxu haleelay mid kamid ah gaadiidka galbinayay Saraakiisha cadaanka ah, kuwaasi oo marayey inta u dhaxeysa madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasin iyo Dugsiga sare ee Banaadir.

Waxay sheegen in qaraxaas ku dhinteen qaar kamid ah bartilmaameedkooda oo ay ku sheegen Askar Afrikaan iyo Soomaali iskugu jirto, inkasta oo aysan sheegin tirada rasmiga ah ee ay ku dileen qaraxaas.

Marka laga imaado sheegashada Al-Shabaab, Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeeda ayaa waxa lagu sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari Surf ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaaso ka yimid dhinaca isgoyska Tarabuunka.

Booliska ayaa xaqiijiyey in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa sideed qof, halka ay ku dhaawacmeen 17 kale oo u badan shacab xilligaas marayey wadada dhinaceeda.

Sidoo kale waxaa qoraalka kooban ee ka soo baxay taliska Booliska lagu sheegay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa kolonyo waardiyeysa UN-ka oo loo yaqaano Duguf Security, kuwaas oo marayey wadada Cabdiqaasim ee isku xirta Tarabuuknka iyo KM4