Al-Shabaab oo war kasoo saartay khasaaraha qaraxii Isgoyska Banaadir (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa dhabarka u ridatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta isgoyska Banaadir, lagula beesgaday kolonyo uu la socday taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir.

Al-Shabaab ayaa shaacisay in bartilmaameedka weerarkan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu ahaa taliye Farxaan Qaroole, balse uu ka bad-baaday.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxan ay ku dishay 4 askari, halka ay ku dhaawacday 5 kale oo dhamaaan ka mid ah ilaalada taliyaha, sida ay hadalka u dhigtay.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday taliyaha booliska kooxda Riddada waxaana ku dhintay 4 askari halka ay ku dhaawacmeen 5 kale  oo ahaa ilaaladiisa” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay kooxda Al-Shabaab.

Marka laga tego sheegashada Al-Shabaab iyo khasaaraha ay shaacisay ayaa waxaa warar madax banaan waxay sheegayaan in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan 8 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 kale oo isugu jiro askar iyo dad shacab ah.

Taliska Booliska Soomaaliya oo dhankiisa ka hadlay qaraxan, wuxuu shaaciye inuu nabad-qabo taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir oo la doonayey in la khaarijyo.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan intaba.

Dhacdooyinkan amni darro ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dowladda federaalka ay isku diyaarineyso doorashooyinka dalka oo xal buuxa looga gaaray magaalada Muqdisho.