Mandera (Caasimada Online) — Laamaha amniga ee magaalada Mandera ayaa fashiliyay isku-day weerar oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku doonayeen inay xoog ku galaan xarun ay deggan yihiin qandaraasley u dhashay dalka Shiinaha, kaas oo qiyaastii hal kiiloomitir u jira Saldhigga Booliska ee Ceelwaaq.
Dhacdadan oo dhacday abaare 1:00-kii habeennimo, ayaa dhalisay is-rasaaseyn culus oo dhex martay dableyda weerarka soo qaadday iyo ciidankii booliska ee ilaalada ka ahaa gurigaas. Maleeshiyaadka, oo ku hubeysnaa hubka noocyadiisa kala duwan—mid fudud iyo mid culusba—ayaa burburiyay albaabka weyn ee laga galo xarunta iyo darbiga difaaca ee ku wareegsan.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay in dableyda lagu soo daad-gureeyay afar kamid ah gawaarida loo yaqaan Probox-ka, kuwaas oo magaalada Ceelwaaq kasoo galay dhanka deegaanka Buraache, iyagoo soo maray waddooyinka qardo-jeexa ah ee xuduudda.
“Waxay fariisimo ka sameysteen dhanka kasoo horjeeda albaabka weyn ee guriga Shiinuhu deggan yahay, balse askartii ilaalada ahayd ayaa si geesinimo leh u difaacay goobta, iyagoo ku guuleystay inay iska caabiyaan weerarkaas,” ayay raaciyeen saraakiisha amnigu.
Ciidamada Ilaalada Xuduudaha (BPU) ee saldhiggoodu yahay Ceelwaaq ayaa gurmad degdeg ah u fidiyay kooxda la weeraray, iyadoo hawlgal wadajir ah lagu badbaadiyay dhammaan 10-kii qof ee guriga ku sugnaa.
Weerarka ayaa sababay khasaare hantiyeed oo baahsan. Maleeshiyaadku waxay waxyeello u geysteen gaari boolis iyo shan gaari oo nooca raaxada ah, makiinad dhulka qodda, iyo booyad biyo, kuwaas oo dhammaantood ay lahaayeen muwaadiniinta Shiinaha ee mashruuca ka wada aaggaas. Waxaa sidoo kale burbur xooggan soo gaaray albaabka weyn iyo ooda difaaca ee dhismaha hortiisa ku xirnaa.
“Xaaladda hadda gacanta ayaa lagu hayaa, jawiguna waa mid deggan,” ayay boolisku xaqiijiyeen. Kiiska waxaa la wareegay Ciidanka La-dagaalanka Argagixisada (ATPU), iyadoo dhacdada laga diiwaangeliyay Saldhigga Booliska Ceelwaaq.
Dhacdadan ayaa ku soo beegmeysa xilli laamaha amnigu ay sii kordhiyeen hawlgallada dhanka xuduudda Kenya iyo Soomaaliya, si looga hortago isku-dayada ay Al-Shabaab ku doonayaan inay gudaha dalka u soo dhex-dhuuntaan.
Warbixin dhawaan kasoo baxday xarunta u qaabilsan Urur-goboleedka IGAD ka hortagga xagjirnimada rabshadaha wata (ICEPCVE), ayaa iftiimisay in dalka Kenya uu wajahay khatar aad u sarreysa oo kaga imaanaysa colaadaha xuduudaha intii u dhaxeysay bilihii Luulyo iyo Sebteembar. Warbixinta ayaa ka digtay in caqabaddani ay u gudbi karto rubuca ugu dambeeya ee sannadkan.
Sirdoonka IGAD ayaa xusay in inkastoo tirada guud ee weerarada ay yaraadeen, haddana waxaa sii socday weerarada qorsheysan iyo kuwa xuduudaha isaga gudba, taasoo muujineysa la-qabsiga iyo adkeysiga shabakadaha xagjirka ah ee gobolka.
Colaadda ayaa isu baddashay mid ku dhisan xeelado dhuumaaleysi iyo adeegsiga teknoolajiyadda casriga ah, xilli ay socdaan dadaallo caalami ah oo lagula dagaalamayo argagixisada.
“Adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones), maalgelinta dhanka lacagaha dhijitaalka ah, iyo hubka xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa calaamad u ah horumar cusub oo dhanka teknoolajiyadda ah. Bishii Agoosto waxaa la diiwaangeliyay koror dhanka weerarada ah, taasoo ahayd jawaab celin ay maleeshiyaadku kaga falcelinayeen hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada Soomaaliya iyo kuwa huwanta ah, iyo duqeymaha caalamiga ah,” ayay tiri xarunta IGAD.
Intii lagu guda jiray waqtiga daraasadda la sameeyay, waxaa la diiwaangeliyay weeraro kooban oo isugu jira kuwa xuduudaha iyo qaraxyada miinooyinka (IEDs) oo ka dhacay waqooyi-bari iyo xeebaha Kenya, gaar ahaan marinka isku xira Mandera, Gaarisa iyo Laamu.

