26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

AL-SHABAAB oo weerar ka fulisay Muqdisho iyo dagaal toos ah oo dhacay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar habeenkii xalay ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday fariisin ay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ka dhacay kontoroolka Buurta Cali Janaale, oo ka mid ah meelaha muhiimka ah ee laga ilaaliyo amniga caasimadda. Dagaal culus ayaa halkaas ku dhexmaray labada dhinac, kaas oo socday ku dhowaad 30 daqiiqo.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa markii hore adeegsatay baasuukeyaal, waxaana xigay iska horimaad fool ka fool ah oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Fariisinka ciidan ee weerarka lagu qaaday waxaa degenaa ciidanka Booliska ee gaarka u tababaran ee Haramcad, kuwaas oo si wadajir ah ula shaqeeya ciidanka Polizia Militare ee sugaya amniga magaalada.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska Haramcad ayaa lagu sheegay in ay ciidamadu fashiliyeen qorshe ay Al-Shabaab ku doonayeen inay hoobiyeyaal kusoo tuuraan gudaha Muqdisho.

“Hawl-galka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Qabuuraha Kaxda iyo deegaanka Maracadde, oo dhanka koonfureed kaga beegan degmada Kaxda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxday taliska booliska Haramcad.

Taliska ma uusan shaacin cidda ku waxyeelloowday weerarka xalay ka dhacay Buurta Cali Janaale, goobtan oo marar badan ay hore ugu beegsadeen weerarro kooxda Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News