25.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Al-Shabaabkii ku soo dhawaaday Muqdisho oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka hortegay ‘xubno Shabaab ah oo kusoo dhawaaday caasimada’ kadib markii ay dhuumaaleysi kusoo gaareen halkaasi.

Ciidamada oo qaaday howlgal culus ayaa isku fidiyay deegaanno dhaca jinka Wabiga Shabelle oo ay inta kasoo gudbaan maleeshiyada Al-Shabaab, si ay halkaas uga sameeyaan amni darro, ugana soo abaabulaan weeraro halis ah ku ah shacabka magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ururka 302-aad ee Ilaalada Hiilweyne Cali Xuseen Odowaa oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay inay ku gaareen aagga Beeraha Walamow, isla markaana ay xaqiijiyeen amniga deegaannadaas oo mararka qaar dhuumaaleysi ay kusoo galaan Al-Shabaab.

“Beeraha Walamow illaa halkaas waxaan tegnay Geed Faqe nimanka argagixisada ah meeshaan mararka qaar si dhuumaaleysi ah ayay ku yimaadaan, iyaga oo kasoo gudba wabiga aaga aan soo marnay hadda waxba kuma arag si nabad-gelyo ah ayay shacabka ku joogaan” ayuu yiri Taliyuhu.

Sidoo kale, wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, ayna u taagan yihiin ciribtirka maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed wuxuu u taagan yahay ciribtirka Khawaarijta iyo inay mar walba la dagaalamaan, waana dabar jari doonaa, Insha allah” ayuu sii raaciyay.

Dhawaan dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah oo isugu jiro Boolis iyo Milatari gaysay daafaha caasimada, si ay uga hortegaan weeraro ay Al-Shabaab kasoo abaabulaan halkaasi, waxaana ciidamadaas ay sameeyeen howlgallo culus oo amni xaqiijin ah.

Muqdisho ayaa hadda xasiloon, waxaana guuleystay qorshaha cusub ee ay la timid dowladda federaalka, iyada oo laga nastay weeraradii iyo qaraxyadii horay u dhici jiray.

- Advertisement -

Read more

Local News