Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka socdaan gobolka kuwaas oo u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa Macawiisleyda iyo Al-Shabaab.
Xaalad kacsanaan ah ayaa haatan laga dareemayaa xadka labada gobol, iyada oo sidoo kale Al-Shabaabkii ugu badnaa ay isugu tageen aagga degmada Yabaal, sida uu shaaciyay Maxamed Cabdi Macow oo ah guddoomiyaha degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Macow ayaa sheegay in ay ka war qabaan dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab iyo abaabulka ay ka wadaan degmada Aadan Yabaal, waxaase uu tilmaamay inay ka jareen waddada, sida uu hadalka u dhigay
“Shabaab Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe waxa uu u haayay ma leh dhammaantood Aadan Yabaal ayay isugu keeneen, halkaas ayayna ku socdeen waddadii ayaana ka jarnay” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay soo geli waayeen Hiiraan, haddana ujeedkooda uu yahay inay xoogga soo saaraan gobolkaas, si ay uga taqalusaan Macawiisleyda beesha Xawaadle ee difaaca adag uga jira xadka labada gobol.
“Waxaa lagu fasiri karaa in Hiiraan ay madaxa geli waayeen ayna horta dhammaantood go’aan ah qaateen inay ka taqalusaan ciddaan maahinee inayna meel kale qabsan karin, taasina uma suuragelyso haddii uu Ilaahey yiraahdo” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Khawaarijta waan iska celineynaa wax isxaan ah uma sameyneyno, waana baabi’ineynaa”.
Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo shalay mar kale dagaal qaraar uu ka dhacay aagga Ceelhareeri, kadib markii ciidamada huwanta ay weerar gaadmo ah ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey halkaasi, waxaana kadib la gaarsiiyay khasaare culus.
Dagaalka ka socda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sii xoogeysanaya, waxaana labada dhinac ay weli sii wadaan dhaq-dhaqaaqyo iyo abaabul ciidan oo iska soo horjeedo, taas oo uga sii dareysa xaaladda kacsan ee haatan laga dareemayo deegaannada HirShabeelle.