Jamaame (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo maanta ka dhacay aagga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab.
Howlgallada oo ay qaadeen Ciidamada Xoogga Dalka, qeybta 43-aad, Kumaandooska Danab iyo Daraawiishta Jubbaland ayaa jab culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta.
Ciidamada ayaa sidoo kale gaaray deegaannada kala ah; Muuse Xaaji, Araare, Koban, Bangeeni, Maleyleey, Baladu-raxma iyo Degeyga Maam-bile oo dhammaantood hoostaga degmada Jamaame, iyada oo la burburiyay fariisimo ay kooxda ku lahayd deegaannadaasi.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in la dilay ugu yaraan illaa 56 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, sidoo kalena nolosha lagu qabtay 20 kale.
Sidoo kale ciidamada ayaa fashiliyay qaraxyo miino oo ay xubnaha Al-Shabaab galiyeen waddooyinka isku xira deegaannada la gaaray, mana gaysan wax khasaare ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.
“Intii uu howlgalka socday, waxaa lagu dilay horjoogayaal muhiim u ahaa argagixisada, iyo tiro kale oo dhaawacmay, waxaa kale oo howlgalkan lagu qabtay rag maxaabiis ah oo kooxda u qaabilsanaa miinada, ciidama ayaana fashiliyay tiro miinoyin oo lagu talagalay in lagu dhibaateeyo dadka shacabka ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed.
Ciidamada huwanta ayaa weli sii baacsanaya firxadka Khawaarijta lagu jebiyey howlgallada ka socda aagga degmada Jamaame, halkaas oo laga dareemayo xaalad kacsanaan ah.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa guluf culus oo ka dhan ah argagixisada uu ka socday gobollada Jubbooyinka, kaas oo lau xoreeyay deegaanno muhiim ah.


