Nairobi (Caasimada Online) – Wararja naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in Al-Shabaabkii ugu badnaa oo gudaha u galay gobolkaasi ay weerar ka fuliyeen qaybo kamid ah deegaanka Rakei ee keynta Boni, kana tirsan gobolka Lamu.
Xubnaha Al-Shabaab oo gaarayay illaa 70 xubnood ayaa la soo wariyay inay beegsadeen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa halkaasi, waxaana u gaysteen dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkan lagu dilay illaa 5 askari, halka lagu dhaawacay 8 kale oo ka tirsanaa ciidamada Kenya ee ku sugnaa deegaanka la weeraray.
Dhaawacyada sideedda askari ayaa durbo loo qaaday magaalada Nairobu oo haatan lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka Kenya.
Taliyaha Booliska Lamu Wesley Koech oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isku dayeen inay ka gudbaan xadka Bodhei-Lamu, balse iyaga oo sii maraya aagga Gaarisa ay la kuleen ciidamo ka tirsan kooxda howlgallada gaarka ah ee SOG (Special Operations Group), kadibna uu sidaas ku qarxay dagaalka.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in xubnahan ay doonayeen inay gudaha usii galaan Kenya, si ay u fuliyaan weerarro argigixiso oo halis ah, balse ay ka hortageen.
Weerarkan waxaa ka horeeyay dilka shan shaqaale Kenyan ah oo ka shaqeynayay goob qodista dhagaxa oo la khaarijiyay waaberigii Talaadada, kadib weerar argagixiso oo ka dhacay tuulada Bur Abor ee Mandera East.
Weerarka ayaa dhacay abaara 7:00 subaxnimo, iyadoo markhaatiyaal iyo baaritaanno hordhac ah ay tilmaamayaan in dambiilayaasha ay ahaayeen maleeshiyaad la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro culus ka fulisa gudaha Kenya, gaar ahaan deegaannada dhaca xadka, waxayna badanaa beegsataa ciidamada dalkaasi.