Amar culus oo la dul-dhigay golaha wasiirada Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) –  Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa soo saaray amar culus oo ku socdo wasiirada maamulkaasi.

Maxamed Sheekh Cismaan oo warbaahinta ugu warramay Kismaayo ayaa sheegay in wasaarad kasto laga rabo inay xafiiska xeer ilaalinta u soo gudbiso nuqulo ka mid ah heshiisyada ay galeyso, si dabagal loogu sameeyo heshiisyadaasi.

Sidoo kale wuxuu uga digay wasiirada maamulka Jubbaland inay galaan heshiisyo ku aadan hantida dadweynaha, oo uusan waxba ka ogeyn xafiiskiisa, maadaama ay shaqadooda tahay ilaalinta xoolaha dadweynaha.

“Xafiiska Shaqadiisa iyo waajibaadkiisa ayay waajib ka tahay ilaalinta hantida, haddii heshiis lagu galay waxa aan ka eegeynaa in loo maray sifo sharci ah iyo in kale, Waxaa jira kara heshiisyo la galay iyo kuwo kale oo taagan, haddii aan la marsiin Xafiiska Xeer ilaalinta waxa ay dhaawac ku tahay howl shaqeedkiisa.” ayuu yiri Maxamed Sheekh Cismaan xeer ilaaliyaha Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in loo baahan yahay in xafiiska xeer ilaalinta lagu tix-geliyo shaqadiisa.

Sharciga waa kan ka sareeya rabitaanka qofka, Dastuurka ayaa kala caddeynaya awoodaha iyo shaqada hay’ad iyo xafiis waliba, halagu tixgeliyo shaqada aan heyno iyo waajibaadka Dastuurka uu nasiinayo.” ayuu sii raaciyey xeer ilaaliyaha Jubbaland.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha Jubbaland iyo isla xisaabtanka, si looga hortago musuq-maasuq iyo wax is-daba marin.