Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan gaar ah oo ay isugu yimaadeen saraakiisha laamaha amniga magaalada Muqdisho, isla markaana uu goobjoog ahaa, taliyaha qaybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa waxaa looga hadlay amniga caasimada, iyada oo si gaar ah diiradda loogu saaray ciyaarta galabta ee Stadium Muqdisho.
Ciyaarta oo Final ah ayaa dhex-mari doonto labada degmo ee kala ah Howlwadaag iyo Warsheekh, waaana tartan xiiso leh oo ay ka qayb-geli doonaan taageerayaal fara badan.
Macallin Mahdi oo kulanka ka hadlay ayaa saraakiisha Booliska amar ku siiyay in aan wax hub ah ama walxo amni-darro keeni kara lala geli karin gudaha Stadium Muqdisho.
Sidoo kale, wuxuu ku boorriyay ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay dagnaan muujiyaan, isla markaan ay si wanaagsan ula dhaqmaan shacabka imaanaya garoonka.
Dadweynaha ayaa goor sii horreysay bilaabay inay iska sii xaadiriyaan garoonka, iyaga oo kala imaanaya dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.
Howlwadaag iyo Warsheekh ayaa degmadii badiso waxay qaadi doonta koobka tartanka degmooyinka gobolka Banaadir, halka degmada laga badiyo ay geli doonto kaalinta labaad.
Ciyaarahan oo ah is-dhexgal bulsho ayaa haddane wata xiiso gooni ah, iyada oo taageerayaasha iyo kooxahaba ay si weyn ugu xifaaltamayaan ciyaarta galabta.
Tartankan oo galabta lasoo xiri doono ayaa sidoo kale muujiyay horumarka caasimada iyo amniga oo haatan guul wayn laga gaaray, maadaama uu si nabdoon kusoo dhammaaday.

