Muqdisho (Caasumada Online) – Guddoomiyaha gobolka, ahna duqa Muqisho Mudane Maxamed Axmed Amiir oo warbixin deg-deg ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda adag ee ka taagan Muqdisho, gaar ahaan saameynta ka dhalatay roobabkii xalay ka da’ay caasimada, isaga oo amar culus dul-dhigay shirkadaha dhisay laamiyada burburay.
Amiir ayaa ayaa marka hore sheegay in ay qaadeen tallaabo kasta oo loo baahnaa, ayna ka qayb qaateen gurmadka loo fidiyay dadka ay soo gaartay waxyeellada.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay caawin doonaan sida ugu dhaqsiyaha badan shacabka ay dhibaatada kasoo gaartay dhismayaasha burburay iyo kuwa ay biyaha qaadeen.
“Roobabka mahiigaanka ah ee Xamar iyo agagaarkeeda ka da’ay waxaan ka qaadnay tallaabo kasta oo suuragal ah, Waxaana goor dhow soo saari doonnaa warbixin la xariirta saameynta Roobka, Waxaana sidoo kale gargaar deg deg gaarsiin doonaa dadkii ku waxyeellobay Roobabkii dabaalaha iyo daadadka watay ee ka da’ay Caasimadda” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka.
Waxaa kale oo uu tilmaamay in haatan ay wadaan dadaallo dheeraad ah oo biyaha looga dhurayo waddooyinka caasimada, ayna keensadeen Matoorro tuura biyaha iyo biyado ka dhuuqa waddooyinka ay biyaha xireen, si loo fududeeyo isku socodka waddooyinka.
“Waxaan wali howl adag ka wadnaa maareynta saameynta roobka, anaga oo diyaarinay Matoorro tuura biyaha iyo Booyado ka dhuuqa meelaha ay biyaha fadhiisteen” ayuu sii raaciyay
Duqa ayaa sidoo kale ballan qaaday in si deg deg ah ay u dhisi doonaa jidadka ay daadadka roobabka burburiyeen, isaga oo amar dul dhigay shirkadihii dhisay jidadkaas, wuxuuna ku amray inay dib u dhisaan laamiyada, ayna saaraan mid tayo leh.
“Waxaan fareynaa shirkadihii waddooyinkaasi horey u dhisay iney markale dib u dhisaan Laamiyo ka taya wanaagsan kuwii burburay.” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay.
Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo aadayo iyada oo saameyn xoogleh ay ka dhasheen roobabkii xalay ka da’ay Muqdisho, waxaana ku dhintay dad ku dhow illaa 10 qof.
Dadka dhintay ayaa gaaraya illaa 7 qof, sidoo kale waxaa soo dumay 9 guri, halka ay burbureen 6 waddo oo muhiim ah, sida uu xaqiijiyay afhayeenka gobolka, Saalax Carab oo isna shir jaraa’id Wariyeyaasha ugu qatay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.