25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Amiirka Qadar oo shaaciyay dhinacyada ay ka caawin doonaan DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Doxa (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa shaaca ka qaaday inay laba jibaareyso xiriirka Siyaasadeed ee kala dhexeeya dowlada Somalia ee uu Hogaaminaayo Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo.

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa sheegay inay dib usoo nooleynayaan xiriirkii fogaa ee kala dhexeeyay Somalia, waxa uuna cadeeyay in Somalia ay ka saacido doonaan waxyaabaha aasaasia.

Sheekh Tamim, oo Saxaafada kula hadlay Qasrigiisa ayaa sheegay inaanu jirin talaabo ay ka hagran doonaan dowlada Somalia, waxa uuna meesha ka saaray in Qadar ay ka gaabin doonto fulinta dalabyada ay ka heleen Madaxweynaha Somalia.

Sheekh Tamim, waxa uu tilmaamay in Somalia ay ka caawin doonaan qodobada kala ah, Dib ula soo laabashada Amniga, Taabagalinta dhaqaalaha, Garsoorka, dib u dhiska iyo in laga cafiyo lacagaha deenta ah ee lagu leeyahay.

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, ayaa sidoo kale sheegay in adduunka ay kala hadli doonaan sida Somalia looga caawin lahaa dhibaatooyin daashaday, waxa uuna rajo weyn ka muujiyay guulaha kasoo bixi kara qorshaha lagu garab istaagayo Somalia.

Sidoo kale, Amiirka ayaa soo hadalqaaday dhibaatada dhanka nolosha ah ee ka jirta Somalia waxa uuna cod dheer ku sheegay inay kordhin doonaan gargaarka ay la garab taagan yihiin Shacbiga Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, ballan qaadkan ayaa imaanaya ka dib kulan ballaaran oo ay Magaalada Doxa ee Caasimadda Dalka Qatar ku wada qaateen Madaxweynaha Soomaaliya Madaxmed C/laahi Farmaajo iyo dhiggiisa Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News