Amiiro Sacuudiyaan ah oo booqasho qarsoodi ah ku tagay Israel

Muqdisho (Caasimada Onaline) – Sida ay baahiyeen warbaahinta Israel waxaa dalkaasi booqasho qarsoodi ah ku gaaray tirro kamid ah Amiirada dalka Sacuudiga.

Warbaahinta ayaa sheegtay in booqashada amiiradaasi ay aheyd mid aan la shaacin isla markaana laga mamnuucay wakaaladaha dowladaha kale ee carabta.

Warbaahinta Israel waxa ay baahisay in booqashada amiirada boqortooyada Sacuudiga uu yahay mid ku qotonta iskaashi dhanka Amaanka, Ganacsiga iyo Siyaasada.

Booqashada ayaa la sheegay in xooga lagu saarayey nabada bariga dhexe, waxaana kulamadaasi qeyb ka ahaa Ra’isul wasaaraha xukuumada Israel Benyamin Netayahu.

Benyamin Netayahu, ayaa sheegay in xiriirka kala dhexeeya dowlada Sacuudiga uu iminka yahay mid gaarsiisan 90%, isla markaana ay Israel dooneyso inay sii xoojiso.

Benyamin Netayahu, waxa uu tilmaamay in dowlada Sacuudiga ay la wadaagi doonaan howlo badan oo khuseeya Amniga iyo Siyaasada, sidaa aawgeed la doonaayo in la xoojiyo xiriirka.

Dowlada Israel ayaan xiriir hore la laheyn dowlada Sacuudiga, waxaana xiriirkaani cusub uu albaabada u furayaa xiriir ay Israel lagasho dowladaha kale ee Carabta.

Lama oga baahiyaha keenay in dowlada Sacuudiga ay wafdi heer boqortooyo u dirto dalka Israel oo aan xiriir wanaagsan kala dhexeyn.

Caasimada Onaline
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com