25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

AMISOM oo doorashadii Galmudug war kasoo saartay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee  AMISOM ayaa ka hadlay doorashadii madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ee shalay ka dhacday gudaha magaalada Dhuusamareen ee xarunta gobolka Galgaduuud.

Warsaxaafadeed AMISOM ayaa ugu horreyn hambalyo ku aadan doorashada loogu diray hoggaanka cusub ee maamulkaasi.

Sidoo kale taliska ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo ku xigeenkiisa u rajeeyey inay guul ka gaaraan xilal kaas culus.

“AMISOM waxay u hambalyeynaysaa dhammaan xubnaha cusub ee loo doortay dowlad-goboleedka Galmudug, madaxweynaha iyo ku-xigeenka Galmudug, waxaanan u rajeyneynaa guul inay ka gaaraan xilalka cusub” ayaa lagu yiri qoraalka AMISOM.

Warkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ay hor yaallaan howlo kala duwan oo muhiim ah, islamarkaana  baahan in wax laga qabto, sida arrimaha dib u heshiisiinta, si xal waara looga gaaro tabashooyinka haatan jira.

“AMISOM waxay ka warqabtaa in wax badan weli loo baahan yahay in la qabto waxayna ku boorrisay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye inuu ku sii wado hiigsiga shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug uuna hubiyo in dhammaan daneeyayaasha ka soo jeeda Galmudug ay helaan meel la hubo oo ku xeeran”.

Ugu dambeyn taliska AMISOM ayaa ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan madaxda cusub ee dowlad goboleekda Galmudug, si wax looga qabto ammaanka maamulkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News