AQALKA CAD oo war kasoo saaray kulankii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Washington (Caasimada Online) – Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan kulan shalay madaxtooyada Mareykanka ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Jake Sullivan oo ah La-tliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Joe Biden. 

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweyne Joe Biden, Jake Sullivan ayaa maanta Aqalka Cad ku qaabilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ku yeesheen kulan lagu xoojinayo iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Mareykanka iyo Soomaaliya.

Mr. Sullivan, oo ay wehelinaysay Kaaliyaha Madaxweynaha ee Amniga Gudaha Dr. Elizabeth Sherwood-Randall, ayaa ku ammaanay hoggaanka Soomaaliya howlaha ay ku dhisayaan isfaham qaran iyo ka hortagga halista argagixisada Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda Mareykanka iskaashiga milateri iyo midka rayidka ah ee socda si loo dhiso Soomaaliya xooggan, xasilloon oo nabad ah.

Mudane Sullivan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxay ka wadahadleen muhiimadda dib-u-heshiisiinta siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan dib u cusboonaysiinta isku xirnaanshaha u dhexeeya dawladda faderaalka Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah dawladda Faderaalka si loo horumariyo dawladnimada, ilaalinta sharciga, bixinta adeegyada, iyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Waxay walaac ka muujiyeen abaarta ba’an ee Geeska Afrika, taasoo sida ugu weyn u saamaysay Soomaalida, waxayna carrabka ku adkeeyeen baahida degdegga ah ee loo qabo gargaar bini’aadaninimo oo dheeri ah. Mala-gelinta uu Mareykanka wax kaga qabanayo abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa ka badan $706 milyan oo dollar sanadkan oo kaliya, taasoo ka dhigan in ka badan kala bar dhammaan lacagaha gargaarka bini’aadaninimo ee Soomaaliya.

Mudane Sullivan iyo Madaxweyne Xasan Sheekh waxay hoosta ka xariiqeen saaxiibtinimada dhow iyo iskaashiga ka dhexeeya Mareykanka iyo Soomaaliya, waxayna muujiyeen sida ay uga go’an tahay in aan xoojinno dadaallada wadajirka ah ee aan ku xoojineyno awoodda Soomaaliya ee ka hortagga Al-Shabaab iyo dhisidda mustaqbal daboolaya baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.