Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ilyaas Beddel Gaboose oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu ilaabay xabsi guri uu geliyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Ninkan oo isku sharraxay xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa albaabadu ay kasoo xirmeen kadib doorashadii isu-caano-shubka aheyd ee ka dhacday Kismaayo, waxaana kadib sidaas ku xiray Axmed Madoobe oo weli khilaaf uu kala dhexeeyo dowladda dhexe.
Golaha Aqalka Sare oo uu ka tirsan yahay Senatorka ayaa sidoo kale iska indha tiray xaaladdiisa, maadaama illaa iyo hadda aanu qaadin tallaabadii ku habooneyd ee xarigiisa.
Senator Saciid Siyaad Shirwac oo wax laga waydiiyay arrinta “maxbuuska” ayaa sheegay inuu u xiran yahay maamulkii soo doortay, isaguna aanu ka hadlin karin sababteeda.
“Annaga nooma xirno Senatorku meesha laga soo doortay ayuu ku xiran yahay arrintaasna ma rabo inaan gudaha usii galo”. ayuu yiri Saciid Siyaad Shirwac.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Aqalka Sare waa magac sare oo aan laga sarreyn anagu ma nihin kuwa iska jooga ee waxaan rabnaa in Aqalkan uu yeesho go’aanka sare intaas uubnaa ka shaqeyneynaa”.
Iyaas Gaboose oo markiisii ugu dambeysay qoraal soo saaray ayaa walaac ka muujiyay xaaladdiisa caafimaad, isaga oo fariin usoo diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale wuxuu xilligaas xaqiijiyay inuu afduuban yahay, isla markaana laga qaaday xorriyadda, sida uu ku caddeeyay warsaxaafadeedkiisii u dambeeyay.
“Hadda calaacal ma rabno, laakiin xaalad noocaas ah waa garan kartaan. Anagu waa afduubanahay, nin baa u afduubanahay oo wixii dadku lahaa oo ciidan ahaa ee la wada dhisanayay si qaldan u isticmaalay. Xaaladayadu sidaas weeyi.” ayuu horay u yiri Ilyaas.

