Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Yaxye Cali Ibraahim oo ah Madaxa Jaamacadda SIU ayaa sheegay in dagaalka Degmada Guriceel laga leeyahay dano siyaasadeed.
Waxa uu sheegay Aqoonyahaanka in dowladda Somalia ay ka gaabisay Dagaalkaasi taasi oo ka dhigan buu yiri inay Mas’uuliyadeeda gawday.
Yaxye Cali Ibraahim, ayaa carabka ku dhuftay inay suuragal tahay in soo laalabashada dagaalka uu ka dhasho caqabado badan oo la xiriira dhanka Siyaasada Somalia, taasina ay lugta lasii gali doonto Mushkilad hor leh.
Dhanka kale, Dagaalka Guriceel ayaa u dhaxeeya Koox ka mid ah Ahlu Sunna iyo Ciidamada DF Somalia, waxaana jiro warar kala duwan oo kasoo baxaayo waxa uu salka ku hayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]