Aqoonyahan, Profosser udub dhexaad u ahaa bulshada Soomaaliyeed oo geeriyooday

Muqdisho (Caasimada Online)- Waxaa caawa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, aqoonyahan, Profosser lafdhabar iyo tiir u ahaa aqoonta iyo waxbarashada ka hana qaaday dalka Somalia, allaha u naxariistee Prof. Cali Xasan Maxamed oo mudooyinkii danbe ku xanuunsanaa dalka.

Geerida Prof. Cali Xasan ayaa dad badan naxdin ku riday, waxaana bulshada ka baxay tiir iyo udub dhexaad bahda waxbarashada tebi doonto.

Allaha u naxariistee Prof. Cali Xasan ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa aqoonyahanadii kiciyay waxbarashada jaamacadaha maanta hormuudka ka ah dalka, wuxuu ahaa barre jaamacadeed oo bulshada hilmaami doonin.

Anigoo ku hadlaaya magaceyga Cali Muxiyaddiin Cali, kan qoyskeyga iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed, waxaan ugu tacsiyadeynayaa dhamaan qoyska reer Cali Xasan, gaar ahaan Eng. Cabdullahi Cali Xasan iyo Eng. Afhad iyo goud ahaan bulshada Soomaaliyeed geerida ku timid Prof. Cali Xasan, waxaana alle ugu baryaa janatu fardowsa ka waraabiyo, kitaabkiisana midigta ka siiyo.

Hadaba inyar oo ka mid ah shaqsiyadii Prof. Cali Xasan ayaa halkaan idiinkugu soo gudbinayaa, waxaa qoraalkaani kasoo qaatay barta Facebook ee Xasan Hundubey Jimcaale oo faallo yar ka bixinaya kumuu ahaa Prof. Cali Xasan.

Profosser Cali Xasan Maxamad: Aqoon Aamin!

Asaga oo Hormuud ah, ayuu haddana waxa uu arday ka ahaa qeybta taariikhda ee Jaamacadda Umadda.

Ardadii galaaska la fariisan jiray asaga oo Hormuud ah, waxa ay ii hubiyeen inaan ardada laga aqoon jirin.
Heerka Jaamacadda laba shahaado ayuu ka qaatay. Laba Diploma sare ayuu qaatay. Master iyo PHD.
Asaga oo leh degaan u gaar ah ayuu diiday in uu degaanadoodo, oo uu ardada soo dhex degay, Africa University oo Khartoum ku taala.

Waa nin ku raaxaysta ku dhex jirka ardada iyo goobaha waxbarashada.

Jaamacadda Muqdisho aqoon-yahankii kiciyay ee hawada geliyay ayuu ka mid yahay.

Waxaa u dhreer in uu aad u jecelyahay midnimada Soomaalia.
Waxa uu mar walba dhegaystayaashiisa ku booriyaa in waddan yar, ama dad yar uusan adduunka qiima weyn ka lahayn oo loo baahanyahay in Midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed lagu dadaalo lana adkeeyo.

Professor-ku waxa uu ka mid yahay dadka si dulqaad leh ugu dhabar adaygay waxabarshadiisa iyo weliba sii gudbinteeda, asaga oo ku gudbiya si qiirad iyo waddaninimo ka buuxdo oo aan qabow ahayn.

Asaga oo kale ayaa tiir u naqan kara dhismaha aqoonta waddanka iyo isku haynta bulshada. Iyo sidoo kale in la helo soomaali isku kalsoon, isku duuban, isna aaminsan.

Professor-ka asaga oo kale Alaha nagu badiyo. Waan qirsanahay kaalintiisa weyn ee uu bulshada ugu jiray.

Caasimada Online 
Xafiiska Muqdisho 
Caasimada@live.com