25 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Aqriso magacyada 17-ka shirkad ee gaarka loo leeyahay ee DF ay ka baxday heshiisyadoodii

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Federaalka ah ee Somalia ayaa dib uga baxday dhammaan Heshiisyadii ay la gashay Shirkadaha ka dhex shaqeeya dalka ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Shirkadaha ay Xukuumada kaga baxday Heshiiska ayaa waxaa kamid ah kuwa sida tooska ah u qabta shaqooyinka dowlada loogu tallo galay.

Xukuumada Federaalka ayaa ka bixida Heshiiska Shirkadaha ku xaqiijisay wareeto kasoo baxday xafiiska Wasiirka maaliyada Xukuumada Somalia C/raxmaan Beyle taa oo soo baxday July 29, 2017.

Wasiirka ayaa wareegtada la wadaagay dhammaan Wasiirada Xukuumada, Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada.

Xukuumadu waxa ay sheegtay in ka bixida Heshiiska uu bilowday 31 July 2017, iyadoo dhammaan Shirkadaha ku sifoobay bixinta adeegyada loogu tallo galay dowlada aysan sii qaban karin howlahaasi.

Shaqooyinkaasi ayaa waxaa la cadeeyay inay la wareegeyso Waaxda canshuuraadka Wasaarada maaliyada oo looga danbeyn doono shaqooyinka ay qaban jireen Shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Shirkadaha heshiiska looga baxay oo dhmaantood ay Soomaali leedahay waxay kala yihiin:-

1- .Shirkadda Visooyinka,

2-.Shirkadda Pasaporka,

3- Shirkadda Lesinada iyo Taargooyinka,

4- Shirkadda Tresmitralaha,

5- Shirkadda Gaadiidka Airporka,

6- Shirkadda Sameysa Shahaadooyinka

7-Shirkadda Notaayoyinka/Superlogoyinka,

8- Shirkadda Quality Controlka,

9-. Shirkadda PGM ee Dekadda

11- Shirkadda Scanka Dekadda,

12-Shirkadda Shatiyada kala duwan,

13- Shirkadda Sameyso Dhalashada iyo Kaarka Aqoonsiga.

14- Shirkadda Canshuuraha Guryaha,

15 Shirkadda Shidaalka siisa Ciidanka,

16 Shirkadda Raashinka iyo Cuntada siisa Police-ka,

17 – Shirkadda Shidaalka siiso Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News