Magacyada iyo halka ay kasoo kala jeedaan Soomaalidii lagu dhuftay gantaalka

Sanca (Caasimada Online) –  31 qof oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa lagu dilay xeebaha dalka Yeman, kuwaasi oo ay duqeysay diyaarad helicopter ah xili ay u socdaalayeen gudaha Yeman sida ay baahisay wakaalada wararka Reuters.

Dadkaan Soomaaliyeed oo haystay documentiyada hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa waxay ka tageen xeebaha ay maamulaan xuutiyiinta, gaar ahaan Hodeidah.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in 80 qaxooti kale laga badbaadiyay markii duqeyntaasi ay ku dhacday doonta, kuwaasi oo dhamaantood ahaa Soomaali.

Ilan hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka iyo safaarada ay ku leedahay Yeman ma jirto. Sidoo kale, Ilaa iyo hadda lama oga cidda weerarka gaysatay.

Dalka Yemen ayuuse dagaal sokeeye oo xun ka jiray tan iyo bishii saddexaad ee sanadkii 2015kii; saddex meloodow labo ka mid ah bulshada dalkaasina waxay qarka u saaran yihiin in ay maculuuli ku habsato.

Dayuurada helicopterka ah ee duqeynta geysatay ayaa waxaa la aaminsan yahay iney leeyihiin isbaheysiga uu Sacuudigu hogaamiyo oo dagaal adag kula jira kooxda shiicada xuuthiyiinta Yemen ee Iran ay taageerto.

Akhriso magacyada qaar ka mid ah dadkii duqeyntaas ku nafwaayay

1-Deeq Mahad Faarax oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

2-Xafsa Cumar Daroori oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

3-Ayaan Maxamed oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

4-Faadumo Yuusuf Haybe oo kasoo jeeda Laascaanood (DHimasho)

5-Aaamina Baaxeer oo kasoo jeeda Burco Dhimasho Balse si rasmi ah looma xaqiijin. 6-Hibaaq Axmed Tarabi oo kasoo jeeda Burco oo wali dhimashadeeda lagu muransan yahay.

7-Muxumed ISmaaciil oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)

8-Maxamed Aadan Cabi( Maxamed Timo) oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)

9-Cabdiraxman hassan mohamoud oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas kana soo jeeda laascaanood.

10-Maareeye Cabdiraxmaan oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas kana soo jeeda laascaabood.

11-Cabdi Xasan oo dhaawac ah kana badbaaday duqantaas kana soo jeeda Laascaanood.

12-Guuleed Cabdifataax Giirre oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho)

13-Cabdirisaaq Dayyaxo kana soo Jeeda Burco (Dhimasho)

14-Xamdi Xasan Faahiye oo kasoo jeeda Laascaanood waa dhaawac.

15-Ibrahim Ahmed Sacadaale (Dhimasho).

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com