Taarikh nololeedka wasiirada cusub.

Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhisay golle wasiirro oo ka kooban toban xubnood oo ay ku jiraan 2 haween ah. Golahan ayaa ah tiradii ugu yareyd ee Soomaaliya loo soo dhiso muddooyinkii u danbeeyey.

Hoosta ka akhriso magacyada iyo taariikh-nololeed kooban ee qaar ka mid ah wasiirada cusub. ka raali noqda ma aynan wada helin dhammaan taariikhdooda, balse waa inta badan.

  1. Marwo/Fowsiya Yuusuf X Aadan   ”Isaaq”– Ra’iisul-Wasaare ku-xigeen / Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda:

Khabiir-hawleed xirfad iyo aqoon aad u durugsan u leh Xiriirrada Caalamiga ah, Maaraynta, Gargaarka Bani-aadamka, Saxaafadda, Qaramada Midoobay, Tacliinta, Awoodeynta Dumarka, iyo la-tacaalidda Saboolnimada.

  • Saxaafadda, Tacliinta, iyo Xiriirka Caalamiga ah ku baratay jaamacado caan ah oo ku kala yaalla  Dalalka Faransiiska, Suudaan, iyo Maraykanka
  • Xilal sare ka soo qabatay safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd dalalka Jarmalka, Faransiiska  iyo Maraykanka
  • Aasaastay, agaasimena ka noqotay RAAD International iyo RAAD TV.
  • Aasaastay, noqotayna hormuudkii ugu horreeyey ee Jaamacadda Hargeysa.
  1. Mudane/Abdullahi Abyan Nuur  ‘Dir -Koonfureed/Biyamaal’- Wasiirka Wasaaradda Garsoorka,Arrimaha Diinta & Awqaafta
  1. Mudane/Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi  ”Dabare-Raxanweyn” – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, ahaana Raysal-wasaare ku-xigeen; Guddoomiyihii hore ee Guddiga Abaaraha.
  • Maaraynta Ganacsiga iyo Maamulka Guud ee Bulshada ku bartay Jaamacadda Strayer ee ku taalla magaalada Washinton DC ee ku taalla carriga Maraykanka
  • Diblumaasi ka tirsanaan jirey safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Maraykanka.
  • Ka mid ahaa ergada Soomaaliya u joogi jirtey Kulanka Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York
  • Ku-simaha Qunsulka Guud ka soo noqday sfaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd dalka Kanada
  • Khibrad aqooneed iyo mid shaqo oo ka badan 25 sano u leh maamulka iyo Maaraynta
  • Ku hadla afafka Ingiriisiga iyo Carabiga
  1. Mudane/ Cabdikariin Xuseen Guuleed  ”Sacad -Habar gidir-Hawiye”– Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka.

Xirfadle hawlo  badan ka soo qabtay Maamulka iyo Maaraynta.

  • Agaasime-daleed u soo noqday Hay’adda Muslimka Afrika
  • Qayb libaax ka qaatay aas-aaska barnaamijyo aqooneed iyo kuwo hawleed oo ay leedahay Jaamacadda SIMAD
  • Guddoomin jirey Naadiga FPEN oo ah xiriir ay leeyihiin Ururrada ku hawlan Meheradaha Waxbarashada ee Gaarka loo Leeyahay
  • Ku hadla Afafka: Carabiga iyo Ingiriisiga
  1. Mudane/Maxmuud Xasan Suleymaan (Cawil)  ”Cumar Maxamud, Majeerteen -Daarood”– Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Qorsheynta. Aqoonyahan ku takhasusay khibradna u leh maaliyadda iyo qorshaynta:
  • Ka qalin jebiyey Jaamacadda  Istareeyar Kolleej oo ku taalla Carriga Maraykanka
  • Waddamada Sacuudiga iyo Iswiserland uga soo shaqeeyey Bankiga Islaamiga ah ee la yiraahdo Daarul Maal Al-Islaami.
  • Soo qaatay tababbarro badan oo xirfadeed oo ku saabsan maaliyadda, maalgashiga, iyo qorshaynta
  • Muddo ku dhaw afartan (40) sano ku soo dhex jirey mihnadda maaliyadda iyo xisaabaadka.
  • Si wanaagsan ugu hadla luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga
  1. Mudane/Cabdulaahi Ciil-mooge Xirsi ”Ogaadeen-Daarood”- Wasiirka Wasaaradda  Warfaafinta iyo Isgaarsiinta. Aqoonyahan khibrad u leh u-saldhigidda iyo kobcinta is-gaarsiinta iyo ganacsiga, ahna sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamadii Xoogga Dalka Soomaaliya
  • Ka qalin-jebiyey Kulliyadda Saadka ee ku tiillay Volsk iyo Saratof oo ku yaalla Midawgii hore ee Soofiyeetiga.
  • Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) uga soo shaqeeyey dalalka Afqaanistaan, Usbekistaan, Kasaakhistaan, iyo dalal kale
  • Khibrad shaqo iyo aqooneed oo ka badan 35 sano u leh mihnadda Is-gaarsiinta casriga ah iyo Saadaalinta Dhaqaalaha
  1. Mudane/Cabdirisaaq Cumar Maxamed ”Xawaadle -Hawiye”.– Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka.

Aqoonyahan ku takhasusay dhaqaalaha iyo culuumta bay’adda, khibrad iyo faham durugsanna u leh wax-soo saarka.

  • Ka qalin-jebiyey Jaamacadda York University oo ku taalla Carriga Kanada
  • Maareeyaha Barnaamijyada ka ahaa xafiis bulshada Soomaaliyeed ee Kanada ku nool looga qaban jirey adeegyada kala ah: caafimaadka, shaqo-helidda, u-doodidda saboolka iwm.
  • Agaasime sare ka ahaa Hay’adda Horumarinta Hiiraan oo qalab caafimaad iyo adeegyo kale oo dhinaca dhaqaalaha ah ugu deeqday cisbitaalka weyn ee Beledweyne
  • Guddoomiye ka ahaa Hay’adda  la yiraahdo “Danta Soomaalida” oo u ol-olayn jirtey wanaajinta xaaladda dadka Soomaaliyeed iyo dalka Soomaaliya
  • Si wanaagsan ugu hadla Afka Ingiriisiga
  1. Mudane/Muxyadiin Maxamed Kaalmooy  ”Jareer-Weyne”– Wasiirka Wasaaradda  Hawlaha Guud iyo Dib-u-dhiska.
  1. Marwo/Drs Maryan Qaasim  – ”Barawaani, Beesha Shanaad” Wasiirka Horumarinta Adeega Bulshada.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Dumarka & Daryeelka Qoyska.  Dhakhtarad ku takhasustay Cudurrada Carruurta iyo Taranka Haweenka.

  • Ka qalin-jebisay Jaamacaddii Umadda Soomaaliya, qaybta caafimaadka
  • Tacliinta caafimaadka ka kororsatay Waddanka Nederlaand
  • Shahaado Sare oo Caafimaadka Bulshada ah ka qaadatay Carriga Ingiriiska
  • Maamullo sare oo dhinaca caafimaadka ah ka soo qabatay dalalka Yemen, Wasaaradda Caafimaadka ee Nederlaand, iyo dalka Ingiriiska
  • Khibrad iyo aqoon ka badan soddon (30) sano u leh daryeelka iyo caafimaadka aadamiga
  • Si fiican ugu hadasha Afafka: Ingiriisiga, Dhajka, Carabiga, iyo Talyaaniga
  1. Mudane Maxamud Axmed Xasan  ”Hadame-Raxanweyn”. – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.