25.6 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Arag Sawirrada: Madaxweyne Xasan oo xalay gaaray Magaalada Dubai

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin, Wasiiradda Arriimaha Dibadda ee Soomaaliya Fowsiya Xaaji Aadan Xildhibaano  Baarlmaanka Soomaaliya ka tirsan, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya  iyo masuuliyiin kale  ayaa xalay gaaray magaaladda  Dubai ee  Isutaga Imaaraadka Carabta.

Garoonka  Diyaaaradaha ee  Mataarka Boqortooyada  ayaa waxaa ku soo dhoweeyey, Wasiirka Waxbarashadda  Federaalka Dowladda Imaraadka Carabta Xumeyd Al Khadhaami , safiirka Soomalaiya u fadhiya  Imaaradaka Carabta  Cabdulqaadir Sheekheey Alxaatimi iyo masuuliyiin kale.

Ujeedada safarka Madaxweynaha ayaa ah ka qeyb galka shirka ka hortagga burcadbadeeda iyadoo sanadkaan looga hadlayo mawduuca ah “Ka Hortagga Burcad Badeedka iyo iska kaashiga dhismaha  awood ka hortagta “Countering Maritime Piracy: Continued Efforts for Regional Capacity Buiding”.

Ugu dambeyntii Shirkan ayaa waxaa sanad walba soo qabanqaabiya Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalka isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana kasoo qeybgalaya dawladaha daneeya ka hortagga burcadbadeedka, khubaro ku xeel dheer iyo shirkadaha ka ganacsada gacanka iyo badweynta Hindiya

dub1dub2dub3dub4dub5dub6

- Advertisement -

Read more

Local News