Muqdisho (Caasimada Online)-Sawir gacmeedkaani ayaa waxaa lagu muujiyay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo Dambiil kuwata Ex Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur.
Ujeedka Dambiisha loogu ritay Tarsan ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid raqiis ah oo aan ku fadhin lacag badan.
Nuqul qoraal ah oo laga sameeyay Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxaa lagu sheegay ”Lacag ayaa shaqeyneysa maanta waxaa wadani ah Dollar”
Nuqul kale oo qoraal ah ayaa waxaa lagu sheegay in Tarsan uu yahay codkar sidaa darteedna loo adeegsan doono ololaha Madaxweyne Xassan Sheekh.
Tarsan waxa uu kamid ahaa Ragga mucaaradka ku ah Ololaha Xassan Sheekh waxaase iminka cad inuu iibsaday sumcadii uu ku dhex lahaa Axsaabta mucaaradka.