Kismaayo (Caasimada Online) – Kulan ay magaalada Kismaayo ku yeesheen Xildhibaanada maamulka Jubbaland ayaa waxaa xilalka looga qaaday laba Xildhibaan oo ka tirsan maamulka.
Xildhibaanada laga qaaday xilalka ayaa waxa ay kamid ahaa Xildhibaano dhowr ah oo Mooshin ka diyaarinaayay Hogaamiyaha maamulka.
Xildhibaanada xilalka ay ka qaadeen Baarlamaanka Jubbaland ayaa lagu kala Magacaabaa C/qaadir Ibraahim Cali iyo Maxamed Cali Yuusuf .
Baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay in Sababta Xilka looga qaaday Xildhibaanadaan ay yihiin Qaran Dumis islamarkaana uu Sharcigu uu xilka ka qaaday.
Xildhibaanada xilalka laga qaaday ayaa xiligaasi goobta ka maqnaa waxaana xil ka qaadistooda dhaliil ka keenay odayaasha beelahooda.
Docda kale, mid kamid ah Xildhibaanada xilalka laga qaaday oo lagu magacaabo C/qaadir Ibraahim Cali ayaa Go’aanka Baarlamaanka ku tilmaamay mid qalad ah.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]