28.5 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Xog: CC oo ka qeylsiiyay ergooyinka xubnaha Aqalka Hoose usoo xulaya Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxgaradka kasoo jeeda deegaanada maamulka Puntland ayaa eedeymo lixaad leh u jeediyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo lagu eedeeyay faragalin.

Waxgaradka Puntland ayaa sheegay in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia uu rabsho ka dhex wado ergooyinka loogu tala galay in ay doortaan xubnaha Aqalka Hoose iyo Xubnaha ay Ergooyinkaasi soo xusheen.

Waxgaradka oo siyaabo kala duwan ula hadlay Saxaafada ayaa sheegay in Ergada ay ka shaqeyn la’dahay Ra’isul wasaaraha oo lagu eedeeyay inuu carqaladeynaayo hanaanka lagu soo xuli lahaa xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Puntland.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayey sheegen in faragalin uu ku hayo xulista isla markaana ay aad uga cabsi qabaan in xulista ay dib u dhacdo, maadaama lagu hayo faragalin.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayey ugu baaqen in wakhti hore uu wax ka qabto faragalinta, haddii uu dhagaha ka fureystana ay dhankooda ka qaadi doonaan talaabo.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa inuu jiro khilaaf xoogan oo ka imaanaya qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed oo ku aadan sida loo qeybsanayo xubnaha Aqalka Hoose , ergooyinka soo dooranaya.

Docda kale, Ra’isul wasaaraha dalka ayaa isna la sheegayaa inuu wato shaqsiyaad gaar ah oo uu doonaayo in loogu darro xubnaha cusub ee Aqalka Hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News