26.9 C
Mogadishu
Sunday, November 9, 2025

Arrin la xiriirta Soomaaliya oo uu sameeyey Jacob Frey oo caro xooggan abuurtay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Duqa magaalada Minneapolis ee xisbiga Dimoqraadiga, Jacob Frey, oo dhawaan dib loo doortay, ayaa la kulmaya dhaleecayn iyo caro uga imanaysa Jamhuuriyiinta iyo muxaafidka Mareykanka.

Dhaleeceyntan ayaa salka ku haysa kaddib markii uu khudbadii guusha ku jeediyay af-Soomaali, isla markaana uu sheegay in Minneapolis ay soo dhowaynayso Soomaalida.

Muuqaal laga duubay khudbadda oo la soo geliyay baraha bulshada, ayaa muujinaya Frey oo ku dhawaaqaya halku-dhigyo af-Soomaali ah, iyadoo dadkii goobta joogay ay ka daba-oranayeen sacabna u tumayeen.

Paul Szypula, oo ka mid ah kooxaha midigta-fog islamarkaana caan ka ah baraha bulshada, ayaa si kulul u weeraray duqa magaalada, isagoo qoray, “Kalgacal-raadinta halkan ka socotaa waa mid xad-dhaaf ah.”

“Maayar Jacob Frey, markii uu ku guulaystay dib-u-doorashada, waxa uu ku hadlay ku dhowaad hal daqiiqo af Soomaali, kaddibna waxa uu yiri Minneapolis waxaa iska leh Soomaalida,” ayuu yiri Szypula.

Wareeggii labaad ee codbixinta doorashada-kala-xulashada (ranked-choice voting), ayuu Frey si dirqi ah kaga adkaaday Senetarka gobolka ee Minneapolis, Omar Fateh, oo ah hantiwadaag dimqoraadi ah. Fateh waa Soomaali-Mareykankii ugu horreeyay iyo Muslimkii ugu horreeyay ee ka mid noqda Aqalka Senate-ka ee gobolka.

Fateh waxa uu taageero ka haystay qaybta Twin Cities ee ururka Hantiwadaagga Dimoqraadiga ee Ameerika (Democratic Socialists of America) iyo xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ku matasha Minneapolis Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Guddoomiyaha Minnesota Tim Walz, oo sanadkii hore u ahaa musharaxa madaxweyne ku xigeen ee Kamala Harris, isla markaana sanadka soo socda u tartamaya dib-u-doorasho, iyo Senetar Amy Klobuchar, ayaa taageeray ololaha Frey ee sanadkan.

Isagoo la hadlayay dadweyne Soomaali ah oo deegaanka ah kaddib guushiisii, ayuu Frey si isdaba joog ah ugu mahadceliyay dadkii goobta joogay isagoo ku hadlaya af Soomaali.

“Dadka sharafta leh ee Minneapolis, taasna waxaan u idhi si ula kac ah, sababtoo ah meel kasta oo aad ka timaaddo, Minneapolis waa inay noqotaa meel aad ku faani karto inaad ugu yeerto gurigaaga,” ayuu yiri.

Kaddib waxa uu sii waday inuu magacaabo dhowr gobol oo Soomaaliya ka tirsan, isagoo yiri, “Haddii aad ka timid Boosaaso ama Muqdisho, haddii aad ka timid Hargeysa ama Garoowe, haddii aad ka timid Beledweyne ama Koonfur-Galbeed, Minneapolis waa meel aad u timaaddaan inaad barwaaqo ka raadsataan, oo aad qoyskiinna ku korisaan.”

“Waa tan waxa ay doorashadani ka dhigan tahay. Doorashadani waxay ka dhigan tahay in kani yahay xilli midnimo, oo ay dhammaan bulshada Soomaaliyeed isu imaan karaan oo ay dhihi karaan, ‘Kuwaani waa dadkeenna. Tani waa magaaladeenna. Waan isku duubannahay oo is-taageeraynaa,” ayuu yiri.

Falanqeeyaha muxaafidka ah Gerry Callahan ayaa dhaleeceeyay khudbadda Frey, isagoo yiri, “Kani waa siyaasi Mareykan ah, ku soo barbaaray Mareykanka, wax ku bartay Mareykanka, oo u muuqda inuu matalayo Mareykan, balse isku hor tuuraya koox ajaaniib ah. Waxay noqon kartaa waxa ugu ceebta badan ee aan abid arko.”

Matt Walsh, oo sidoo kale ka mid ah kooxaha midigta-fog, ayaa isaguna ka dhiibtay ra’yigiisa, wuxuuna qoray, “Sida aan marar badan sheegay, siyaasiyiinta dalkan waa in sharcigu ku qasbaa inay ku hadlaan Ingiriisi marka ay si rasmi ah ula hadlayaan dadweynaha. Marna ma habboona in ay timaaddo xilli uusan Mareykanku fahmi karin waxa ay hoggaamiyayaashooda la doortay ay leeyihiin.”

Nick Sortor ayaa qoray, “Ma aqaan inta uu le’eg yahay joogitaanka ICE ee Minneapolis, laakiin waxay u baahan tahay inay noqoto mid aad, aad u weyn.”

Ma ahan markii ugu horreysay ee Frey uu dhaleecayn kala kulmo farriimaha siyaasadeed ee af-Soomaaliga ku baxa. Waxaa sidoo kale si weyn loo dhaleeceeyay bishii Sebtembar kaddib markii uu soo saaray olole xayaysiin ah oo af-Soomaali ku qoran.

Frey, oo xafiiska la wareegay 2018, ayaa loo doortay Talaadadii xilligiisii saddexaad ee duqa magaalada Minneapolis.

- Advertisement -

Read more

Local News