26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Arrin yaab leh: Ciidamo toogasho ku dilay shimbir daroogo u wadday maxaabiis ku jiray xabsi (Sawir)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Booliska waddanka Argentina ayaa waxa ay toogteen shimbir daroogo u wadday xabsi, waxaa sidaasi sheegay mas’uuliyiinta xabsiyada ee dalkaasi.

Shimbirta ayaa waxaa lagu arkay iyadoo dul duulaysa xerada jeel ku yaal magaalada Santa Rosa ee ku taal bartamaha dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha ay ogaadeen in shimbirtu ay dhabarka ku sidday boorso yar oo ay ku jiraan dawooyinka la isku dajiyo, xashiishad iyo cajalad kumbuyuutar.

Qaabkan tahriibinta ayaa horay looga hortegay waxaana ku socday baaritaan, sida uu ku warramayo wargeyska, Clarín, dalkaasi ka soo baxa.

Boolisku waxa uu daabacay sawirka shimbir dhimatay oo dhabarka uu kaga xiran yahay boorso yar oo ay ku jiraan 44 kaniini oo ah kuwa la isku dajiyo ee Rivotril, xashiishad uu miisaankeedu gaarayo 7.5g iyo cajalad kumbuyuutar.

Adeegga Jeelasha Argentina ayaa ka digay 2013-kii in dadka ka shaqeysta maandooriyaha ay maalintii 10 ilaa 15 jeer daroogo ku qaadaan shimbiraha.

Saddex qof ayaa la xiray halka 15 qooley la qabtay kaddib baaritaan la sameeyay 2013, sida uu sheegay wargeyska Clarín.

Bilowgii sanadkan shimbir dhabar ku sidday 178 kaniini oo daroogo ah ayaa lagu qabtay meel u dhaw xuduudda uu dalka Kuwayt la leeyahay waddanka Ciraaq.

ISHA BBC

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News