Askar ka tirsanaa ciidanka Itoobiya oo qarax lagu dilay

Xudur (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii weeraro qaraxyo ah ay ka dhaceen qeybo ka mid ah gobolkaasi, kuwaas oo lala beegsaday ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl-galka AMISOM ee Soomaaliya.

Qaraxyada oo gaarayey illaa 5 ayaa waxaa ciidamada Itoobiya lagula eegtay wadada dheer ee xiriirisa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay qaraxyadaasi ayaa shaaca ka qaatay in ugu yaraan 10 askari ay dhimasho iyo dhaawac ugu geystay weeraradaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in dhaawacyada askarta labo diyaaradood looga soo qaaday halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale  saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM oo ku aadan qaraxyadaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba-gal ah ku qaada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM,xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha dalka.