24.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 13, 2025

Askar taliyahoodii u shirqoolay Al-Shabaab oo la toogtay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Ex Alifle Maxamed Xuseen Buulle iyo Ex Dable Aadan Isaaq Yarow (Salaad Koofi) oo ka tirsanaa Guutada 14 Oktoobar.

Labadan askari ayaa horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ugu riday xukun dil ah.

Waxaa la sheegay in iyagoo u adeegaya kooxda Al-Shabaab ay qarax ku dileen AUN Abaanduulahii Ururka 83-aad Ex Dhamme Xoogga Dalka, Ceydiid Maxamed Cali.

Qaraxa ayaa dhacay kadib markii sariirtiisa ay ugu dhajiyeen miino.

Xukunkan ayaa noqonaya kii labaad oo toogasho ah oo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay fulisay muddo kaddib.

7-dii bishaan ayay maxkamaddu sidaan oo kale toogatay saddex ruux oo ku eedeysnaa dilal waqtiyo kala duwan dhacay, isla markaana xukun lagu soo riday.

Xabsiyada Muqdisho ayaa waxaa ku xiran dad loo xukumay in ay dilal geysteen, kuwaas oo qaarkood yihiin ciidamo ka tirsan dowladda, halka kuwa kale ay yihiin xubno la sheegay in ay ka tirsan yihiin kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab, kuwaas oo sugaya goorta lagu fulinayo xukunnada ay maxkamaddu ku riday.

- Advertisement -

Read more

Local News