Garoowe (Caasimada Online) – Hal askari oo ka tirsan booliska Puntland iyo darawal mooto bajaaj ah ayaa ku dhintay shil ka dhacay gudaha magaalada Garowe.
Shilka ayaa dhacay xalay markii gaari nooca raaxada oo uu waday nin la sheegay inuu ka tirsan yahay qoyska madaxweynaha Puntland uu si fool xun u jiiray bajaaj, iyadoo ay saacaddu ku dhoweyd 11:00 habeenimo.
Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu xusay in askariga dhintay oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed uu ka mid ahaa dhalinyarada dhawaan kusoo biiray ciidanka.
Shilkaas ayaa ka dhacay aaga hotel Guureeye, waxaana ninka sababay shilka la sheegay inuu cabsanaa maandooriye. Ciidanka Booliska ayaa markii dambe ku guuleystay in ay soo qabtaan ninkan oo la sheegay in uu qabo dhaawac.
Taliska booliska Puntland ayaa ku gaabsaday in ay baaritaan ku wadaan sida ay u dhinteen labada marxuum, iyadoo wax faah-faahin dheeraad ah laga bixin shaqsiga loo hayo falkaan.
Hoos ka aqriso qoraalka booliska:
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Mumin Abdi Shire, oo ku hadlaya magaciisa iyo dhammaan Ciidanka Booliska Puntland, ayaa ka tacsiyayeeyay geerida Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed oo ku geeriyooday magaalada Garoowe.
Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Yuusuf Axmed waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada aqoonyahanka ah ee dhawaan ku soo biiray Ciidanka Booliska Puntland.
Waxa uu ku geeriyooday caawa Garoowe, waxaana sidoo kale ku geeriyooday qof shacab ah. Arrintaas waxaa baaritaan ku wada Laanta Baarista Dembiyada (CID).
Ugu dambayntii, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland S/Guuto Mumin Cabdi Shire wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka reer Puntland, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku. Waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembiyadiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaalmariyo Jannatul-Firdawsa.

